This free survey is powered by
Create a Survey
Surveys
2013
February
S
Seattle Strategic Planning Survey 1 - Somali
Seattle Strategic Planning Survey 1 - Somali
Xog ururinta dejinta qorshaha Dugsiyada Dadwaynaha Seattle
0%
Exit Survey
Kusoo dhowow xog ururinta kowaad ee dejinta qorshaha Dugsiyada Dadwayanaha Seattle! Xubin kasta oo ka tirsan bulshada Seattle waa muhiim codkeedu. Waad ku mahadsan tahay jawaabaha daacada ah ee aad bixiso, waayo waxay naga caawin doonaan inaagu go’aan waxku oola gaadhno.
Guudmar Qorshahaan Dejinay
Bishi June ee 2008 ayaa Guddida Hogaanka Dugsiyada Seattle waxay dejiyeen qorshaha shanta sano ee la magacbaxay
Excellence for All
.* Markay arkeen shanti sano oo gabo gabo ku dhow ayay Guddidu kormeeraha dugsiyada ku amartay inuu dejiyo qorshe cusub oo ay degmadu ku socoto sadexda ilaa shanta sano ee soo socda.
Guudmar Xog Ururinta
Xog ururintani waxay ku wajahan tahay aqoontaad u leedahay qorshaha Excellence for All. Waxay ku waydiin inaad nala wadaadto:
• Fikirkaad ka qobto qorshahan.
• Aragtidaada horumarka la sameeyey ama aan la samayn shantii sano ee tagay.
• Heerka dareenkaaga ee la xiriira markii qorshahan la samaynayey iyo markii la hirgelinayey.
• Aragtidaada fikirka bulshada iyo ka qaybqaadashadeeda qorshan hada.
Xog ururintani waxaad ku dhamayn 5-10 daqiiqo, waana qarsoodi adoo doorta inaad magacaaga ku qorto mooyaane. Xog ururintu waxay furmaysaa February 20th waxaanay xidhmaysaa February 27th. Waxaan rabnaa in qofkastaa codeeyo, markaa fadlan u buux buuxi sida ugu dhakhsaha badan bulshadana gaadhsii warkan. Natiijada waxaan usoo bandhigi doonaa bulshada.
Hadii aad wax su’aalo ah ka qabto xog ururintan, lasoo xiriir
[email protected]
.
Marlabaad waad ku mahadsan tahay warbixintan!
*Guudmar kooban oo kusaabsan qorshaha hada, ee
Excellence for All
, ayaa ku lifaaqan si aad u deristo hadaad u baahato.
1. Su’aalahan waxaan jawaabo ka bixinayaa anoo ka fiirinaya dhinaca:
Arday hada dhigta Dugsiyada Dadwaynaha Seattle (SPS)
Arday hore u dhigan jiray Dugsiyada Dadwaynaha Seattle (SPS)
Waalid/Wakiil ama xubin ka tirsan qoys arday u dhigto Dugsiga Dadwaynaha Seattle (SPS)
Xubin ka tirsan bulshada
Macalim
Maamule dugsi (sida, maamuleyaasha ama kalkaaliyeyaasha maamulayaasha)
Shaqaale kale oo dugsi
Shaqaale xarunta dhexe
Midkale
2. Waxaan ka tirsanahay dadka midabkan ama sinjiyadan leh:
Hindida Maraykanka/ Maraykanka Dhulkan loogu yimid
Aashiyaan/Jasiirahada Bada Baasifiga ka yimid
Madaw/Madaw Afikaan Maraykana (aan isbaanish ahayn)
Isbaanish
Cadaan (aan isbaanish ahayn)
Iska dhal
Midkale
3. Dhinaceed magaalada Seattle kaga nooshahay?
Xaafada Waqooyi Bari
Xaafada Waqooyi Galbeed
Xaafada Qaybta Dhexe
Xaafada Koonfur Bari
Xaafada Waqooyiga Seattle
Xaafad Seattle ka baxsan
4. Fikirkaaga iyo Waayo aragnimadaada ku saabsan qorshahan
Excellence for All
.
Xoogbaan Uguraacay
Waan kuraacay
Kuma raacin
Xoogbaan udiidanahay
Mahubo
a. Waan la socdaa qorshan cusub.
b. Waan ka qaybqaatay dejinta qorshahan cusub.
c. Waan ka qaybqaatay hirgelinta qorshan cusub.
d. Fikirkayga ku saabsan qorshani waa mid fiican.
e. Bulshadu way ka qaybqaadatay dejinta qorshahan.
f. Bulshadu way ka qaybqaadatay hirgelinta qorshahan.
g. Fikirka bulshada ee ku saabsan qorshahani waa mid fiican.
5. Aragtidaada Natiijadan, Heerarka uu soo maray dejinta Qorshan
Excellence for All
*Warar dheeraada ka fiiri boga lagu soo koobayo Dejinta Qorshaha
Excellence for All
.
Xoogbaan uguraacay
Waan kuraacay
Kuma raacin
Xoogbaan udiidanahay
Mahubo
a. Aragtida qorshan (fiiri boga lagu soo koobaya) waa mid ku haboon SPS.
b. SPS waxay samaynaysaa horumar ah siday u gaadhilahayd himiladan.
c. Heerarka lasoo maray (fiiri boga lagu soo koobayo) waa kuwo aad u fiican SPS.
d. SPS waxay qaadaysaa talaabooyin ay ku gaadhayso heerarkan.
e. Qorshaha la rabo in lagu gaadho dejinta qorshan (fiiri boga lagu soo koobay) waa kuwo u fiican SPS.
f. SPS waxay samaynaysaa horumar lagu meelmariyo qorshan: Fasal kastaa inuu heersare gaadho.
g. SPS waxay samaynaysaa horumar lagu meelmariyo qorshaha: Xoojinta Habka Maamulka
h. SPS waxay samaynaysaa horumar lagu meelmariyo qorshaha: Dhisida Dhisme si fiican u shaqeeya.
i. SPS waxay samaynaysaa horumar lagu meelmariyo qorshaha: Horumarinta nidaamkeena.
j. SPS waxay samaynaysaa horumar lagu meelmariyo qorshaha: la tashiga daneeye yaasha.
k. Waxaan arkaa heerka tacliinta ardayda oo kor u kacay, waxaana ugu wacan qorshan la dejiyay.
6. Hadaad dib u fiiriso dejinta qorshahan, maxaad u malaynaysaa inay ahaayeen quwada ugu wayn een helay iyo caqabada ugu wayn een la kulanay?
7. Markaad fiiriso xoogagan iyo caqabadahan, maxaad usoo jeedinaysaa inaan qorshahan ka badalo? Maxaad u malaynaysaa inay tahay fursada ugu wayni? Iyo caqabada ugu wayni?
Dejinta Qorshaha la magac baxay, Excellence for All
Aragtida dheer ee Excellence for All
Hadaan nahay Dugsiyada Dadwaynaha Seattle (SPS), waxaan aragnaa magaalo:
• Ardayda oo dhami heer sare gaadhaan, helaan gargaarka ay u baahan yihiin, dugsiga sarena ka qalin jabiyaan iyagoo diyaar u ah jaamacad, shaqo iyo nolol wacan;
• Dugsi kastaa yahay mid bixiya tacliin heersare ah;
• Madax iyo shaqaale ku sifoobay wanaag iyo masuulnimo;
• Bulsho lasocota kulana shuraakowday siday u caawinlahayd una xoojin lahayd dugsiyada.
Aragtida Excellence for All
Aragtidan waxaa ku jira:
• Arday u diyaara Kindergarten.
• Ardayda fasalka sadexaad oo akhriyaysa heerkii loogu talogalay.
• Ardayda fasalka todobaad oo u diyaara inay Aljabra ku qaataan fasalka sideedaad.
• Ardayda fasalka sagaalaad oo diyaar u ah Dugsiga Sare.
• Ardayda fasalka tobnaad oo ku najaxaysa imtixaanka WASL.
• Ardayda oo u diraara Jaamacad iyo shaqo.
Qorshaha ay Excellence for All ku gaadhayso aragtiyaheeda
In la hubiyo in fasal kasta lagu dhigo tacliin heersare ah
• Inaan xoojino dhigida xisaabta iyo sayniska, horena usii wadno horumarkaan ka samaynay akhriska iyo qoritaanka.
• Inaan samayno imtixaano aan mar kasta kula socono waxbarashada ardayda oo aan u isticmaalo hirgelinta tacliinta.
• Inaan samayno hab aan ku ogaano dugsiyada sida fiican u shaqaynaya kuna caawino kuwa liita.
Xoojinta habka maamulka
• Inaanaan dayicin, shaqaalaysiinana macalimiinta iyo maamuleyaasha kuwa ugu fiican.
• Inaan dhamaan shaqaalaha ka dalbano maqaamsare kuna taageerno siday u gaadhi lahaayeen.
• Inaan meel kasta ka hirgelino hab lagu baadho gaadhista maqaamkan sare.
Dhisida dhisme si fiican u shaqeeya
• Hirgeli isticmaalka tignoolojiyada si aan layliga ardayda loo dirayo uga dhigno mid ku filan.
• Hirgeli habka loo isticmaalayo miisaaniyada, baadhitaana ku same siday u shaqaynayso.
Horumarinta Nidaamkeena
• Horumari sida degmadu go’aanada uga gaadho, una maamusho mashruucyada waawayn iyo yaryar.
• Isticmaal qoraal sugan si aan u hogaamino una baadhno si aan u xulano meeshaan maalgelinayno.
• Samee hab qeexan oo lagu ogaado horumarka ay dugsiga iyo degmadu samaynayaan si ay u gaadhaan himiladooda.
• Fududee horena u qaad habkaan wax u qabano si waaxyaha kala duwani u wada shaqeeyaan waxqabadkanaguna noqdo mid waxtarle.
• Caawi siday shaqaaluhu u baran lahaayeen xirfado cusub. Shaqaalaha u tabobar shaqooyinka waaxyaha kale ee degmadu qabtaan si aan u noqono koox wada shaqaysa.
Latasho daneeye yaasha
• Ula xiriir qoysaska mar kasta si waxtarle.
• Si waxtarle u samee wacyigelin unala xiriir madaxda bulshada.
• Shaqaalaha ula xiriir sidii oo ay yihiin daneeyeyaal muhiima.
• Diirada saar sidaan uwada shaqayn lahayn inagoo wada jira.
• Wax ka badal shabakada internetka ee dugsiyada degmada.
Loading...
close
Loading...
Close
qprun1.questionpro.net